Wasiirka Gaadiidka JSL Oo Shaaciyey In Dhismaha Madaarka Burco La Bilaabayo Sanadkan 2020

Burco(RH)Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Maareyaha Wakaaladda Waddooyinka, Badhasaabka Togdheer, Maayarka Burco, Cuqaal, Aqoonyahan, Masuuliyiinn iyo Martisharf kale,ayaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer kaga qaybgalay Munaasibad ay Wakaaladda  Horumarinta Waddooyinka JSL ay ku abaal marinaysay hawlwadeenadeeda ugu wanaagsanaa sanadkii 2019ka .

 

 Waxaana madashaas lagu abaalmariyey 5 ka mid ah Shaqaalaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka JSL oo loogartay in ay dadaal dheeraad  ah muujiyeen xiligii lagu gudo jiray shaqada sanadkii dhamaaday ee 2019ka.

Waxa halkaa ka hadlay oo tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la dardargaliyo lana dhiirigliyo Hawlwadeenada,  Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Maayarka Magaaladda Burco Maxamed Cabdiraxmaan muraad, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Axmed Yuusuf Axmed , Cuqaal iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in qaab cadaalad ah lagu soo xulay 5 hawlwadeen ee halkaa lagu abaal mariyey, waxaanu yidhi:-” Bila Aadem marka laga hadlaayo, ma jiro qof  aan wax tar lahayni, lakiin waxay ku kala suntanyihiin dadaal iyo daacadnimo, waxaanu u xilsarny guddi farsamo oo soo xula shanta xubnood ee ugu kartida badan mashruucan, aniga oo aaminsan markaan arko duruuta ay ku shaqaynayaan shaqaalaha mashruucaas Wadada Ceergaabo oo ku dhaw 200 oo qof, in ay nin waliba uu ku noolyahay duruuf gaar ah oo raga qaar aanay arag reerahooda mudo sanad ah, waxay u seexdaan dhaxanta iyo roobabka waxay kaga jiraan waa gaadiid yar yar, runtii dhamaantood way mudanyihiin in aynu halkan ka xusno, laakiin waxa gaar loo soo xulay waa 5taa xubnood”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sanadkan 2020-ga la bilaabidoono dhismaha Madaarka Magaaladda Burco, waxanu yidhi:-“Waxan jecelahay qodobka ay reer Buco aadka ii weydiiyaan waxa weeye Madaarka Burco, runtii inta aynu meeshaas gacanta ku haynay marnaba maskaxdayada kamay bixin Madaarkaa burco sababtoo ah Burco waa Caasimaddii labaad ee  Dalka, waa degmooyinkii ugu balaadhnaa Madaarkan Burco waxa uu ahaa Madaarkii ugu horeeyay ee dhul Soomaaliyeed Madaar laga dhigo 1921kii, waxaanu u arkanay in ay ayaan daro tahay maanta in ay burco bilaa Madaar noqoto iyadoo ugu mudnayd waxa Afsoomaali ku hadla in Madaarkii ugu horeeyay laga sameeyay, dhibaatada timi waxay noqotay qiimayantii iyo shaqadoo la bilaabay iyadoon dhaqale loo hayn taasi waxay noqotay mashruuca aanu ku talogalnay Berbera Madaarkii laga dhisaayey maadama Madaarka Berbera la wada isticimaalaayo, in Madaarka Xagan loo soo raro, rarkii wuxuu noqday in qiimihii lagu qiimeeyay mashruucan hore iyo msharuucaa lagu qiimaynaayey ay kala duwanaadaan markaa xooga xaga dhaqaalaha ah ayaa jiray tii waxaanu jecelnahay wanu samaynay saaka waxaanu   kulanay  oo aanu Gobolka Togdheer ku kulanay gudidii gacanta ku haysay Sheikh Cali Mawliid ayaanu kulanay, 10 casho ka hor Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliland waxaanu ka wada hadlaynay mashruucaas Madaarka ee burco, waxaanu rajaynaynaa sanadkan gudahiisa 2020-ga mashruucaasi in uu bilaabmidoono.”

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddiisu ka qayb qaadandoonto dhisme wado 7 KM ah oo loo samaynaayo Xaafadda 18 may ee magaaladda Burco, waxaanu yidhi:-“Waxaanu halkan ka balan qaadaynaa Wasaaradda iyo maamulka degmada in aanu iska kaashanayno Wadadaas sida ugu dhakhsaha badan leh sidii loogu dhamaystiri lahaa iyada oo la buuxinaayo, waxay noqondoontaa 7KM, guddoomiyaha Degmadu wuu nooyimi, runtii waxay wax ka qabatay Hay’addu Gobolladda Degmada Ceergaabo iyo Degmada Sool oo midna 4KM ayaa laga dhisay gacan weyn ayey ku lahayad Hay’addu, Soolna waxa laga dhisay 5KM Hay’adda iyo qalabkeedu iyo shaqaalaheedu waxay ku lahaayen awood badan, markaa marka uu Maayarku nooyimi waxaan garawsanay marka ay wadadu tahay 7KM in ay ku adagtahay in ay Degmadu hawshaas qabato, markaa waayoaragnimadayada qalabkayaga iyo dhaqaalahayagaba waanu ku taageeraynaa”.

Ugu danbayntii Wasiirku waxa uu sheegay in mashaariicdda sanduuqa Harumarinta ee SDF ay ugu jirto lacag dhan 8 milyan oo doolar wadada isku xidha Berbera iyo Burco oo dayactir lagu samayndoono, hawshaasi wasiirku wax uu sheegay in la rabay in la bilaabo balse ay dib u yara dhacday oo si dhakhso ah loo bilaabidoono.

 

 

Category