Wasiirka warfaafinta Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah soo gaaray wafdi ka socda dalka Jabuuti.

Wafdiga Jabuuti ka yimid ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka warfaafinta dalkaas, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon iyo xubno kale.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wafdigaas ku soo dhaweeyay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabddulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Jabuuti ka socda ayaa mudadda ay joogaan dalka waxaa la sheegay in wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ay ka wada arinsan doonaan arrimo ay ka mid yihiin is kaashiga labada wasaaradood.

Labada Wasiir ayaa kawada hadli doona iskaashiga Walaaltimo iyo wax wada qabsi ee warbaahinta Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category