Xaaladda caafimaadka Maryan Muuse Ciise oo aad u fiican

Hargeysa (RH)-Fannaanada caanka ah Maryan Mursal Ciise Bootaan ayaa dhowr maalin ku jirta isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka dhacay Cudurka faaliga (stroke) loo yaqaano iyadoo xilligaas u soo socotay magaalada Hargeysa.

Xaaladda caafimaad ee Marysan Mursal aad ayey u wanaagsan tahay, sida ay saxaafadda u sheegtay.

Waxa ay sheegtay iyadoo ku soo jeeda magaalada Hargeysa kana timid magaalada London, isla markaana la socota diyaaradda Ethiopian Airline uu lug iyo gacan uu uga dhacay xanuunka faalig, waxa ay sheegtay in gacanta midig iyo lugta midig uu ku dhacay xanuunka istarowga.

Dhaqaatiirta ayaa sheegtay in xanuunka ku dhacay uu yahay mid laga kici karo.

Waxa ay sheegtay in horrey aaney u qabin wax xanuun haddana ay caafimaad qabto.

Waxa ay sheegtay in Hargeysa ay u timid in ay guuriso labo wiil oo ay dhashay kuwaasoo ku nool xaafadda masalaha ee duleedka magaalada Hargeysa.

Fannaanada ayaa sheegtay in ay horrey u qabtay xanuunka macaanka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta booqday Fanaanada Maryan Mursal.

Allaha caafiyo ayaa lee nahay fannaanada qaran Maryan Muuse Ciise (Bootaan).

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category