Xafiiskii maamulka hawada Soomaaliya ee Nairobi oo la xiray

Muqdisho (RH)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya laa maamuli doono magaalada Muqdisho isla markaana si rasmi ah loo xiray xafiiskii Nairobi ku yaallay.

Wasiirka wasaaradda duulista iyo gaadidka hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in xafiiskii Nairobi si rasmi ah loo xiray iyadoo wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

“Waa maalin taarikhi ah oo farxad u ah ummadda Soomaaliyeed, waa maalintii ahayd in laga soo guuro xafiikii maamulka hawada Soomaaliya ee Nairobi loona soo guuro magaalada Muqdisho” ayuu sheegay wasiir Oomaar.

Wasiirka ayaa sheegay in xafiiska Muqdisho uu maamuli doono dhammaan howlaha maamulka hawada Soomaaliya.
30 sanno kaddib xafiiskii laga maamulayey hawada Soomaaliya ee Nairobi oo la xiray/Lahaanshaha sawirka Hiiraan Online

“Waxaa joojinay howlihii ka socday xafiiska Nairobi ee laga hagi jiray hawada Soomaaliya, waxaa u soo guurnay xafiis casri ah oo ay yaalaan qalabka ugu casrisan ee lagu maamulo hawada adduunka” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Waxaa socday dedaalo ay wadeen dowladihii dalka soo maray iyadoo ugu dambeyn dowladda hadda jirta ay ka dhabeysay in shaqaalihii ka shaqeen jiray Nairobi loo soo raro magaalada Muqdisho isla markaana la dhiso xafiis ka casrisan kan Nairobi.

Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay ayaa maamuleysay hawada Soomaaliya muddo 25 sanno tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe 1990-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category