Xildhibaan Dhakool oo lasii daayey

Xukuumada Somaliland ayaa maanta dib ugu celisay xoriyaddiisii xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, kaasi oo ku xidhnaa Xarunta Dambi-Baadhista ee CID ee magaalada Hargaysa.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa la xidhay bishii May, waxaana xukuumaddu ku eedeysay inuu ku gefay dastuurka ka dib markii uu ku tilmaamay maalin madaw oo cid gaar ahi leedahay maalinta 18ka May oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Xildhibaanka ayaan maamuus ka xayuubin lagu sameyn kahor intii aan la xidhin.

Category