Xoghayihi horre ee QM Kofi Annan oo geeriyooday

GENEVA (RH) —Xoghayihii horre ee QM, Kofi Annan, ayaa ku dhintay Sabtida maanta ah isbitaal ku yalla magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo muddo kooban ku xanuunsanayey.

Geeridiisa waxa ay shaaciyey qoyskiisa iyo hey’adda uu aasaasay kuwaasoo dhigay barta Twitter-ka, waxa ay sheegeen in uu u geeriyooday xanuun aan la shaacin.

Xaaskiisa Nane iyo carruurtiisa Ama, Kojo iyo Nina ayaa la joogay maalmihii ugu dambeeyey isbitaalka sida ay qortay wakaalada wararka AFP.

Mr Annaan ayaa ku dhintay da’da 80 sanno, waxa uu ahaa nin heer caalami ah oo ay ka go’neend in la helo dunni nabdoon oo ay caddaalad ka jirto sida ay qoyskiisa sheegeen.

Waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii xagga diblomaasiyadda ee ka shaqeeyey QM, waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee madow ah Afrikan ah oo xilka xoghaha guud ee Qaramada Midoobay qabtay.

Xoghayaha guud ee QM ee halka haya ayaa ku tilmaamay Mr Annaan uu ahaa awood dhinaca wanaagsan wax ku hanuunisa, isagoo intaas raaciyey in Annaan uu ahaa Qaramada Midoobay.

Annan ayaa shaqadiisa ugu badan ku soo qaatay QM, isagoo labo xilli noqday xogyaha guud ee QM, laga billaabo Jan. 1, 1997 to Dec. 31, 2006, sannadkii 2001-dii ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabadda Nobel Peace Prize.


Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia

Category