Xukuumada Somaliland Oo Hawlgalo Ammaanka Lagu Xoojinayo ka Fulisey Degmadda Ceegaag

Ceegaag(RH)Maamulka iyo ciidamada Booliska ee degmada Ceegaag ee gobolka Saraar ayaa olole ammaanka degmadaasi lagu adkaynayo ka fuliyey degaanno hoos yimaada degmadaasi.

Guddoomiye Axmed Ciise Cawil oo kaashanaaya ciidammada Booliska degmadaasi ayaa hawlgal ka fuliyey meel degmadaasi Ceegaag u jirta 6 km oo dhinaca Koonfureed ka xigta,iyada oo ay halkaasi   ay ahayd goob ay isugu yimaadaan kooxo dhallinyaro ah oo ay ciidammada iyo maamulka degmadu uga shakiyeen in ay ammaan daro degmadaasi ka wadaan.

Waxaana hawlgalkan ka warbixiyey guddoomiyaha degmada Ceegaag Axmed Ciise Cawil iyo taliyaha ciidanka  Booliska ee degmadaasi Sulub Gaas Guutaale oo sheegay in ay gebi ahaanba baabi’iyeen meeshii lagu tuhmaayey in dhallinyaradaasi ay ku dhuumaalaystaan , ciidamaduna ay il gaar ah ku eegi doonaan nabadgelyada degmadaasi iyo degaanadda kale ee hoos yimaada.

Dhankooda waxa iyaguna goobtaas ka hadlay waxgaradka iyo dadweynaha degmada Ceegaag oo ciidamada ku barbar taagnaa hawlgalkan ay amaanka ku sugayeen, iyaga oo u mahadceliyey ciidamada iyo maamulka degmadaasi, waxaanay sheegeen in aanay marnaba raali ka ahayn  wax kasta oo waxyeelo gaadhsiinaaya nabadgelyada degmadaasi.

 

Category