Xukuumadda Somaliland Mabnuucday in Dadka Qoxoontiga Ahi Ka Hadlaan Arimo Siyaasadeed

 

Hargeysa (RH):-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa uga digay dadka  ajaanibta ah ee Qaxoontinimada ku jooga dalka in aanay wax shirar   siyaasadeysan ku  qaban karin Wadanka.

 

Cabdinaasir Caydiid Maxamed, waxaa uu sheegay in dadka magan geliyada ay siisay Somaliland in ay dalka si nabadgeliyo ah ugu noolaadaan ugana shaqeystaan, balse aanay marnaba ka ogolaan doonin in shirar siyaasadeysan iyo abaabulo ka dhex sameeyaan gudaha Somaliland.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo shalay magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa hadalkiisu daba socday kadib markii habeen hore warbaahinta gaarka loo yahay ay baahiyeen dad ka tirsan Qoomiyada Oromada ee Hargeysa degan oo ka hadlayay qulqulatooyinka waddankooda ka socda.

 

Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaan uga digaynaa dadka ajaanibta ah ee ku sugan gudaha Somaliland cid siyaasad kagala hadli karta ama warbaahin soo istaagi kartaa ma jirto.

 

Dadka magan geliyo aanu siinay, waa inay si nabadgeliyo ah uga shaqeystaan, oo ay u joogaan, balse umaanaan siin inay  dagaalo ka dhex abuuraan oo mucaaridnimo ka dhex sameeyaan dalkan.

 

Intii habeen hore dhacday digniin ayaanu uga dhigeynaa, laakiin marka xiga ee qof ajaanib ah lagu qabto isaga oo abaabul ka dhexwada waddanka ama warbaahinta maxaliga la hadlaya uma dulqaadaneyno.”

 

Geesta kale wasiirku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland waxaa uu si gaara carabka ugu dhuftay qaar ka mida dadka ajaanibta ee degan magaalada Hargeysa.“Waxaa aanu uga digeynaa in qofkasta oo ajaanib ahi, uu si caadiya isaga shaqeysto dadkana ula noolaado, qaarkood ayaa la sheegayaa in shirar ay abaabulayaan hadii ay shirkaasi qabsadaan oo ay dhab noqoto talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doonaa, ama Oromo ha noqdaan ama Itoobiyaan ha noqdaan, ama ajaanib kaleba ha noqdaan, cidkasta oo ajaanib ah oo waddanka Somaliland joogta waxaa aanu fareyna in ay si nabadgeliyo ah u joogaan, una shaqeystaan, ugana ganacsadaan”Ayuu yidhi Cabdinaasir Caydiid Maxamed.

 

Category