Baarlamaanka Denmark ayaa ka doodaya hindise-sharciyeedka L66, kaas oo dhigaya in dib loo baaro qiyaastii 5,000 oo kiis oo dadka qaata førtidspension (hawlgabka naafonimada).
Hindise-sharciyeedkan ayaa walaac ka dhex abuuray dadka qaata hawlgabka naafonimada, gaar ahaan dadka qaba cudurro daba-dheer iyo xaalado caafimaad oo saameeya awooddooda shaqo.
🔹 Yaa la baarayaa?
Dib-u-baarista ayaa khuseysa koox gaar ah oo dadka førtidspension qaata, kuwaas oo buuxiya shuruudo la xiriira da'da, muddada ay hawlgabka qaateen, dalka ay Denmark ka soo galeen iyo xaafadaha ay deggan yihiin.
🔹 Maxaa laga rabaa?
Dadka kiisaskooda la xushay waxaa laga yaabaa in loogu yeero kulamo ay la yeeshaan degmada, si dib loogu qiimeeyo xaaladdooda iyo shuruudaha hawlgabka.
Qofka ka baaqda kulan waajib ah isaga oo aan haysan sabab macquul ah, waxaa suuragal ah in lacagta hawlgabkiisa laga dhimo 1,000 kr.
🔹 Maxay dadka ka cabanayaan?
Qaar badan ayaa ka cabsi qaba in dib loogu celiyo baaritaanno iyo qiimeyn ay hore u soo mareen, taas oo ku abuuri karta walwal, hurdo la'aan iyo hubanti la'aan ku saabsan mustaqbalkooda dhaqaale.
Xisbiyada Enhedslisten iyo Alternativet ayaa ka soo horjeeda hindise-sharciyeedkan, iyaga oo ku doodaya in dadka xanuunsan iyo naafada ah ay u baahan yihiin ammaan, xasillooni iyo sharaf, halkii lagu abuuri lahaa cabsi iyo shaki.
Hindise-sharciyeedka L66 ayaa la filayaa inuu gaaro codbixinta kama dambaysta ah ee baarlamaanka 24-ka November 2026.
❤️ Dadka xanuunsan iyo naafada ah waxay u baahan yihiin ammaan iyo xasillooni, ee ma aha cabsi iyo shaki joogto ah.
━━━━━━━━━━━━━━
📰 RADIO HORMUUD
Wararka • Xogta • Falanqaynta
🌐 www.radiohormuud.dk