Maxaweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele dabeecadihiisa iyo dhaqamadiisa gaarka ah oo aanu kawareysaney dad sababo kala duwan uga ag dhawaaadey ayaa oo noo sheegay arimo isku mid ah.
Waxaanu ka soo qaadaney saddexdan arimood.
1-Qaadka
2- Qaaciga/ fanka iyo heesaha
3- Amaanta.
QAADKA: Madaxweynuhu geedkan aad ayuu u jecelyahay , xataa safarada dibada wuu uqaataa oo maallin ma la’aan karo. Arinka qaadka ayaa madaxweyna iyo gollihiisa wasiiradaba ceebtooda dibada u soo saara marka ay shirkarka caalamiga ah ee mudada lafadhiyayo ka qeybgalaan amaba ay dublamaasiyiinta reer galbeedka ah ee Jabuuti joogaa soo martiqaadaan gallinka dambe ama fiidkii xilli barjaha taas oo ay ka baaqsadaan goobta shirka ama hurdo kuqabto goobta shirka dhexsiisa.
QAACIGA: Muusiga iyo fanaaniinta ayaa ah waxa dareenkiisa kiciya ama uu ku marqaamo,
Arinkan madaxweynaha iyo jacaylkiisa uu u hayo fanka ayaa mudooyinkii dambe aad u soo shaacbaxdey kadib kolkii la arkey talaabooyin muuqda oo ah in uu madaxweynuhu fanaaniinta ukaxaysto safarada dibada sida kii uu muqdisho kutagey iyo kan ugu dambeeyay ee uu dalka shiinaha kutagey isaga oo fanaaniinta kaba soo dhawaystay gollihiisa wasiirada.
Waxaakale oo caado noqotay in madaxwaynaha wakiiladiisu fanaaniinta qurbaha usoo diraan lacag tirobadan iyo tigidho si heeso amaana loogu soo sameeyo xilliyada munaasabadaha ha ahaadaan kuwo ,qaran , kuwo xisbi ama kuwo qoys.
Fanaaniita ayaa aad u daneeya marka dhawaaq baahiyeed ka yimaado Jabuuti , nasiibdaro se waxay lacagtaas tirada badani sababataa in dagaal ka dhex qarxo fanaaniinta sidii dhawr jeer oo hore dhacdey , waxaase nasiib yeesha fanaaniinta loo doorto in ay iyagu jabuuti yimaadaan oo ay dawlada marti uyihiin, si ay madaxweynaha amaan ugu miisaan una mafsuudiyaan.