RH. Kolding: Waxa kamaradu dhacdey 282 jeer oo xadkii xawaaraha la dhaafey, Isniintii subaxnimadii ayuu booliisku kamaradiisa dhigtay Jidka haywayga ah ee u dhow biriijka Storebælt dhanka magaalada Korsør.
Kaataroolku waxa uu bilaabmey 5.40 waxaanu dhamaadey 11.31, waxaa la ganaaxey 282 darawal oo dhaafey xadkii la ogolaa oo aahaa 110 km/t.
Sida aanu ka soo xiganey booliiska Sydsjælland iyo Lolland-Falsters oo iyagu goobtaas taagnaa waxaa jirey darawal cabirkii xawaaraha baabuurkiisu gaadhey 149 km/t halka xadka loo ogolyahay ahaa 110 km/t, waxaana laganaaxey 3500 kroner liisankiina waa laga dalooliyey.
Ganaax dhan 10 milyan oo kr.
Laanta socdaalka ee booliiska ayaa sameysay kaantarool dalka oo dhan intii u dhaxeysay 30. september ilaa 6. oktober waxaaney Booliisku sheegeen in la diiwaan galliyey 10.000 oo xad dhaaf xawaare guud ahaan dalka.
Sidaas darteed ayuu todobaad qudha gudihii ganaaxu gaadhey 10 milyan oo karoon oo qasnada dawlada ku dhacdey.
- Sarifka lacagta
- 1$ = 7,2 kr
Waxaa diyaariyey warka
Mohamed-amin Siyad Abdi