Dowladda Soomaaliya oo danjire cusub u magacaawday dalka Koonfur Afrika

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa danjire cusub u magacowday dalka Koonfur Afrika Amb, waxaana la beddelay danjihii horre ee Jamaal Maxamed Barrow.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Koonfur Afrika ayaa loo magaacabay Maxamed Cali oo ku caan ah Nabadoonka waana qunsuulkii horre ee Safaarada Soomaaliya magaalada Pretoria  ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo ganacsiyo kala duwan ku leh,waxaana inta badan ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo hantidooda.

Radio Hormuu

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category