Gurmad ka yimid Garowe oo ku wajahan Beledweyne

Garowe (RH)-Magaalada Garowe waxaa ka soo ambabaxay afar gaari oo kuwa xamuulka kuwaasoo sida gurmad loo wado dadka ay saameeyeen fataahadaha wabig Shabeelle iyo roobabka dayrta ee ka da'ay goballada dalka ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Gurmadkan ayaa laga soo aruuriyay dadweynaha ku nool magaalada kuwaasoo sheegay inaysan ka aamusi karin dhibaatada reer Beledweyne.