Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Oo Baaq U Direy Xukuumada Somaliland

Hargeysa(RH):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) iyo guud ahaan bahda saxaafadda ayaa  si wadda-jir ah baaq ugu soo jeedinayey maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo ah in  si deg-deg ah ay u guda-gasho dacwaddii uu ururku u gudbiyay maxkamadda 23 bishii August 2020 kaasi oo ay ku dalbanayeen in gebi-ahaanba la joojiyo dambiyaynta mihnadda Saxaafadda oo meesha laga saaro Xeerka ciqaabta guud laguna bedelo shuruucda madaniga ah ee uu dhigayo Xeerka saxaafadda Somaliland ee 27/2004 iyo xeerka kale ee habka madaniga.

 

Ururka ayaa ku sababeeyey in Somaliland ay tahay waddan dimuqraadi ah oo leh Xeerar iyo Dastuur ku qotoma Mihnada Saxaafadda, waxaanay mar labaad soo jeedinayeen in warbaahinta loo maro nidaamka madaniga ah oo ay muddayso Dacwadaas.

 

“Ururka SOLJA isaga oo tixgelinaya dhawrista xuquuqda xornimada aragtiyeed ee lagu xusay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u arkaa in Gafafka lagu galo mihnadda warbaahinta loo raaco xeerarka Madaniga ah, sida uu tilmaamayo Xeerka Saxaafadda Somaliland” ayaa lagu ydihi bayaanka kasoo baxay Saxaafadda Somaliland iyo Ururka ay ku midaysan yihiin ee SOLJA.

 

Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland soo mara ayaa muddada soddonka sanno ku dhow isticmaalayey xeerka Ciqaabta Soomaaliya kaasi oo gaboobay oo aan ka hadlaynin dambiyada Casriga ah

 

 

Category