Aqoonyahan Cabdi Raxmaan Baadiyow Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya

posted on Sunday, June 17th, 12

news image

Muqdisho (RH) Dr. C/raxmaan Macalin C/llaahi oo loo yaqaano C/raxmaan Baadiyow  ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo ay ka qeybgaleyn aqoonyahano, xubno ka tirsan dowladda KMG ah, shaqsiyaad horeyn xilal ugu soo qabtay dowladii hore iyo qeybaha bulshada ayaa waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka hadlay Munaasabada, wuxuna shegey inuu u arko ruux aqoonyahano oo isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya ay tahay tallaabo wanaagsan.

Wuxuu yiri Dr. Cadbi Raxmaan Baadiyaw waa ruux haddii uu noqdo madaxweynaha soo socda Soomaaliya uu dadka iyo dalka wax badan u qaban kara, isla markaana aqoon, iyo aqlaaq wanaagsan u leh howsha hogaaminta dalka.

Sidoo kale waxa dadka ka hadlay ka mid ah C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay u sii noqday Ra'iisul Wasaare ku xigeeyn waxana uu sheegay in Dr. Baadiyow oo ah qof aqoon leh haddii uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya uu gudan karo howsha madax tinimada iyo inuu dalka ku dhaqo cadaalad iyo sinaan

Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo C/llaahi Maxamed Shirwac oo horey u ahaa agaasimaha hey'adda musoobooyinka xiligii abaarta ayaa iyana hadalo ay ka jeediyeen goobta waxa ay ku sheegeyn C/raxmaan Baadiyow  in uu yahay mid dalka iyo dadka badbaadin kara, sidoo kalena leh aqoon, karti iyo aqlaaq fiican oo uu howsha madaxnimo ku gudan karo.

Waxa gababagadii ka hadlay munaasabada Dr. C/raxmaan Baadiyow oo sheegay haddii loo doorto madaxweynaha Soomaaliya u si cadaalad ah ugu shaqeyn doono dadka Soomaaliyeed.

Waxana uu goobta kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ee bisha August ee sanadkan dhici doono.

"Sharaf weyn ayay ii tahay inaan u istaago tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ka dhici doona dhawaan, si aan u badbaadiyo dalkeyga iyo dadkeyga," ayuu yiri Dr. Baadiyoow.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay inuu tiigsanayo in Soomaaliya ay yeelato xukun ka fog musuq maasuq, isla markaana lagu wada noolaado nabad iyo xasilooni sida uu yiri.

"Waxaan tiigsanayaa Soomaaliya oo yeelata xukun ka fog musuqmaasuq, dadkeeduna kuwada nool yihiin nabad, isla markaana dariskeeda kula nool nabad, waa waajib Islaami ah iyo mid wadaniyadeed inaan isku sharraxo xilka madaxweynimo ee dalkeyga"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

"Waa ay dhamaaneysaa xiligii qoriga lagu tallin jiray, waxa aann la dagaalami doonaa kooxaha seef laboodka, oo dadka ku sanduleenaya diinta, ma yeeli doono kooxahaas" ayuu yiri Dr. Baadiyow

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaalida aysan u lahayn dhaqan inay is-faaniso, isagoo xusay inuu rajeynayo in Umada Soomaaliya ka samata bixiyo xaalada adag ee ay hada ku sugan yihiin, waxaana uu cadeeyay in xilligii qoriga uu dhamaadan, lana joogo xilligii aqoonta dalka u talin laheyd.

Inkastoo Xilli kala guur uu dalka ku jiro, hadana waxaa la filayaa in 20-ka bisha Agosto ay dhacdo Doorashada madaxtinimada Soomaaliya, kaasoo musharaxiin badan u taagan yihiin tartanka madaxtinimada Soomaaliya, waxana ka mid ah madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Dowladda KMG ah ee hadda jirta waxa xiligeeda uga haray wax ka yar 90-maalmood, waxana gudaha dalka iyo dibadiisa ka socda olole lagu doonayo cida noqoneysa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.



 

Maxamedkafi



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved