Hargeysa

Guddida qaban-qaabada xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May, ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee la xidhiidha dardargelinta hawlaha hor yaalla.

Guddidan oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay xarunta qasriga madaxtooyada, waxaana shir-guddoominayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici), kulankaasina waxa diiradda lagu saaray sdii ay guddi ahaan u dardargelin lahaayeen hawsha qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Maanta wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/XM/G/083-076/042018 ku Magacaabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Muumin Seed ayaa ku dhawaaqay inay todobaadkan gudihiisa wasaaraddu qodi doonto beeraha 9,000 (Sagaal kun oo qoys), iyada oo qoys walba ku soo hagaagayso Sadex saacadood oo qodaal ah.


Beeralayda qodaalka loo samaynayo ayaa u badan dadkii Abaaruhu saameeyeen, iyada oo dhaqaalaha loogu qodayo ka yimid qaadhaanka bulshada laga ururiyey ee ay gacanta ku hayeen guddida ka soo kabashada abaaruhu.