Boosaaso oo ku jirta xaalad hubanti la'aan ah

Boosaaso (RH)- Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa ka soconaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland, halkaas oo aysan weli muuqan wax xal ah oo loo heley arrin ka dhex taagnayd madaxweyne Deni iyo Ciidanka sida gaarka ah u tabobaran ee PSF.

Sida uu kusoo waramayo weriye Maxamed Xasan Dhallo, xaaladda magaalada ayaa degen saakay, waxaana muuqda in uu jiro isu socod gaadiidka iyo dadka, lana furey qeybo ka mid ah magaalada, hase ahaateen weli ay dadka dhegta u taagantahay.

Illaa Seddex ciidan ayaa ku sugan magaalada, kuwaas oo kala ah Daraawiishta iyo ciidamadda badda ee PMPF oo isku dhinac ah iyo ciidamada PSF-ta oo dhinaca kale ah, kuwaas oo lagu soo waramayo in ay xeryahooda ku suganyihiin.

Dhanka kale qeybo ka mid ah magaalada ayay shacabkii ka qaxeen, waxaana ka mid ah xaafadda Ridwaan ee dhanka bari ee magaalada.

Ganacsiyada magaalada ayaa furan, balse dadka dhegta ayay kor u hayaan

Waxaa wei socda isku dayo waanwaan loogu raadinayo xiisadda oo dhalatay kadib markii madaxweynaha Puntland uu dikreeto kusoo magacaabay taliye cusub oo ay yeelanayaan ciidamada PSF, taasi oo uu diiday taliyihii xilkaasi horey ugu hayay.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa ka soconaya magaalada Boosaaso

Waxaa saakay waanwaan cusub bilaabay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo odayaal kale, kuwaas oo isku dayaya in ay xaaladda qaboojiyaan.

Madaxweynaha Puntland oo xalay hadlay ayaa sheegay in aysan Puntland ka wada jiri doonin labo ciidan oo kala talis ah, isaga oo shaqsiyaad uusan magacooda sheegin ku eedeeyay in ay doonayaan in ay ciidamo si gaar ah ugu dhex haystaan Puntland.

Waxa uu Deni sheegay in lasoo afjeri doono arrinta taagan, ujeedka ugu dambeeyana uu yahay in Puntland ay hal dowlad iyo hal ciidan uun ka jiraan.

Xiggasho: BBC

Category