Dagaal kaqarxa Yurub oo laga cabsi qabo.

"Yurub hadda waxay qarka u saaran tahay inuu dagaal ka qarxo marka loo eego sidii ay ahayd tan iyo markii ay burburtay Yugoslavia-dii hore."

Waa kalamadaha adag oo u muuqday digniin kuwaas oo uu shewegay dublamaasi sare oo ree Yurub ah oo aan kala hadlayay xiisadaha hadda kala dhexeeya Moscow, ee ku saabsan isku dhafka milatari ee ballaaran ee ay ka wadaan xadka Ukraine.

Niyadda Brussels waa mid aad u kacsan. Waxaa jirta cabsi dhab ah oo laga qabo in Yurub ay u janjeersato dhanka khalalaasihii amni ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah.

Laakiin xanaaqu gabi ahaanba diirada kuma saarayo rajada laga qabo dagaal dheer oo dhulka ah oo lala galo Ruushka oo ku wajahan Ukraine.

Dad yar oo ku sugan halkan ayaa aaminsan in Moscow ay leedahay awood millatari, oo waxa ay leeyihiin: "Ha ka fikirin lacagta ama dhaqaalahooda, ama taageerada dadka dalkooda."

Run: Midowga Yurub wuxuu uga digayaa aqalka Kremlin-ka "cawaaqib xumada ka dhalan karta" haddii uu qaaddo tallaabo milatari oo ka dhan ah dalka deriska la ah ee Ukraine. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock oo ku sugan Kyiv sidoo kalana booqday Moscow ayaa sidaas sheegtay Isniintii.

Sweden waxay boqollaal ciidan usbuucan dhamaadkiisa geysay jasiiradda istaraatiijiga ah ee Gotland - oo ku taal badda Baltic. halka Danmark ay xoojisay joogitaankeeda gobolka maalmo ka hor.

Xiisadda sii kordheysa ayaa sidoo kale dib u kicisay doodda labada dal ee Finland iyo Sweden ee ku saabsan inay hadda ku biirayaan Nato iyo in kale.

Laakiin walaaca ugu weyn ee ka jira Galbeedka ayaa ah- Washington, Nato, UK iyo Midowga Yurub waxaana aad u yar suurtagalnimada ah inuu dagaalka caadiga ah oo u dhaxeeya dalalkan uu ka dhaco Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay raadineysaa inay kala qaybiso oo ay khalkhal geliso Yurub - iyada oo dooneysa inay gilgisho dheelitirka awoodda qaaradda Yurub si Ruushka uu uga faa'iideysto.

Raysal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa ii sheegay dabayaaqadii sanadkii hore in reer galbeedku ay u baahan yihiin inay "ka kacaan hurdadooda la xiriirta juqraafyadda" ee ku saabsan ujeedooyinka Moscow.

"Waddamada Midowga Yurub ee waxay oran lahaayeen hadda waan ka toosnay hurdada wax badanna waan fahanay."

Balse, sida inta badan dhacda marka ay timaado siyaasadda arrimaha dibadda, madaxda Midowga Yurub aad ayay uga fog yihiin in ay ka midaysan yihiin tallaabada saxda ah ee ay qaadayaan.

Moscow ayaa beenisay - in kasta oo ay ciidamo badan ka ururiyeen xudduudda Ukraine - in ay qorsheynayaan duullaan militari. Balse waxay soo saartay Nato liis ay ku qoran yihiin dalabaadyo amni.

Vladimir Putin wuxuu ku adkeystay, in Nato ay ka mamnuucdo Ukraine iyo waddama kale oo hore u ahaan jiray Soofiyeedka inay weligood xubin ka noqdaan ururka.

Nato ayaa si cad u diiday, saddexdii shir ee u dambeeyay ee u dhaxeeyay Ruushka iyo xulafada reer galbeedka sidaa darteed waxaa lagu guul dareystay in dhammaan shirarkaasi ay ka soo baxaan wax la tabaan karo.

Taallaabada xigta ee uu Vladimir Putin qorsheynayo inuu sameeyo ma cadda. Laakiin reer galbeedku waxay rumaysan yihiin in Kremlin-ku uu wax badan galiyay dhaqdhaqaaqiisa guud ee Ukraine.

Maamulka Biden wuxuu si hagar la'aan ah u sugayaa mowqif adag oo ka soo baxa Midowga Yurub kaas oo ku saabsan cunaqabataynta suurtagalka ah ee ka dhanka ah Ruushka, iyadoo kuxiran tillaabada ay Moscow qaadayso: duullaan militari oo oo ay ku galaan Ukraine, ama weerarrada internet-ka.

Dadka rajada leh ee reer Yurub ayaa saadaalinaya in ururka uu ku heshiin doono cunaqabatayn suurtagal ah marka la gaaro 24-ka Janaayo, ka dib kulanka soo socda ee wasiirrada arrimaha dibadda, laakiin taasi waa ka fog tahay dammaanad qaadka.

Tiro ka mid ah wadamada Miwowga Yurub ayaa ka walaacsan saameynta ay cunaqabataynta Ruushka ku yeelaneyso dhaqaalaha dalalkooda.

Xarunta Midowga ee Brussels sida caadiga ah waxay ka hadashaa culayska markaasi jira, laakiin kama fakaraan natiijada wada xaajoodyadaas oo waxa laga yaabaa in aanu qof walba ku farxin.

Waxaa sidoo kale jira walaac baahsan oo ay qabaan dalalka Midowga Yurub kaas oo muujinaya saadka gaaska ee Ruushka. Gaar ahaan iyadoo qiimihiisu aad sare ugu kacay xilliyadii dambe.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay eegayso siyaabaha lagu khafiifinayo saamaynta saadka tamarta.

Waxa ay doonaysaa in ay ku degdegto Midowga Yurub in ay ku heshiiyaan mawqif adag oo ku saabsan cunaqabataynta - iyada oo si fiican u ogsoon in, siyaasadda arrimaha dibadda, ansixintu ay u baahan tahay inay noqoto mid ay u dhan yahihiin dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga.

Ciidamada kaydka ah ee Ukraine ayaa ka qayb qaatay dhoolatus bishii December iyadoo xiisada kala dhaxaysa Ruushka ay cirka isku sii shareereyso

Dhanka kale Isniintii, xoghayaha difaaca ee Ingiriiska Ben Wallace ayaa ku dhawaaqay in Britain ay siineyso Ukraine gantaalada riddada gaaban ee lidka taangiyada si ay isuga difaacdo. Waxa uu sheegay in koox yar oo ka tirsan ciidamada Britain ay sidoo kale bixin doonaan tababaro.

Mr Wallace ayaa mar sii horeysay uga digay Moscow in ay jiri doonto "cawaaqib" ka dhalan tallaaba kasta oo Ruushku u qaado dhanka Ukraine. Britain waxay u taagan tahay inay ka hortagto oo ay istaagto" cagajuglaynta", si kasta oo uu khilaafka u fogaado. ayuu yiri,

Xukuumadda Washington waxay ku adkaysanaysaa in uusan jirin wakhti badan oo la lumiyo tallaabo deg-deg ahna la qaado.

Kremlin-ka ayaa meesha ka saaray sheegashada Washington waxa uuna ku tilmaamay "mid aan sal lahayn".

Reer galbeedku haatan waxa ay isku dayayaan inay ka hortagaan waxa iman kara ama tallaabada xigta ee Ruushka qaadi karo.

 

xigasho BBC

Category