Denmark: Covid-19 kalabadh dadkii uu xanuunku kudhacey waa Soomaali

RH: Maanta duhurkii waxaa soo baxay war degdeg ah oo sheegaya in magaalada Caasimada labaad ee Denmark ee Aarhus laga helay tiro aad ubadan oo lamafilaan ah oo uu kudhacey Covid-19. 

Isla caawa fiidkiina waxaaba qodobka koowaad ee warka TV ga  lagu soo qaatey in magalaada AArhus marqudha uu circa isku shareeray xaaladaha covid-19 , waxaase layaab noqotay  in  duqa degmada Aarhus Jacob Bundsgaard  uu xaqiijiyey in kalabadh  dadka uu kudhacay xanuunku ay yihiin soomaali oo ka mid ah dadka laga tirada badanyahay ee kunool Aarhus.

Tirada guud ee ilaa shalay uu ku dhacay magaaladaas waa 104 qof waxaana ila wareedyo ku dhow magaaladaasi Radio Hormuud usheegeen  in 51 kamid ahi ay yihiin Soomaali.

Diirada aayaa hada saran Soomaalida Denmark waxaaney dawlada hoose ee magaaladaaasi sheegtey in ay qaadayso talaabooyin degdeg ah oo ay kamid tahay wargalin  Soomaalida gaar u ah oo lagaga wacyi galinayo khatarta xanuunkan iyo sida ay uga foojignaanayaan  .

Kala soco warar dheeraad ah oo arintan ku saabsan Radio Hormuud.

 

Hadaba maxaa usabab ah in Soomaalida sidan dhakhsaha ah ay xanuunkan isugu gudbiso. Sideese wax looga qaban karaa?

 

 

Category