Dowladda Sudan oo ka hadashay "afgembigii fashilmay" ee shalay

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in ay dib u furtay hawada dalkaas iyo garoonka diyaaradaha ee Khartuum, ka dib shaqaaqadii shalay caasimadda dalkaas ku dhex-martay ciidanka dowladda iyo askar daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray.

Madaxa golaha dowladda Sudan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhani ayaa sheegay in laba askari la dilay xilli ciidanka dowladda ay isku dayayeen in ay xaaladda gacanta dowladda ku soo celiyaan.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan oggolaan doonin agfembi aan sharci ahayn.

Ciidanka milateriga ee Sudan ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta sirdoonka ee dalkaas, halkaas oo ay gadood ka sameeyeen ciidamo mar daacad u ahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Xassan Al Bashir.

Qarax iyo dhawaqa rasaasta ayaa shalay laga maqlay caasimadda Khartuum, waxaana hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada lasoo dhoobay taangiyo iyo baaburta gaashaman, taas oo xiisad iyo walaac amni ku abuurtay dadka Sudan.

Wararku waxay sheegayaan in hadda la kala diray sirdoonka Sudan, waxaana ciidamada gadooday markii dambe la sheegay in ay tageen xaafadda Kafuuri ee bariga Khartuum, ka dib markii lagu heshiiyay in ay is dhiibaan.

Gadoodka ciidamada waxaa kale oo ay keentay in la xiro garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sudan, waxaana dowladda ay ku tilmaamtay gadood ka dhashay ciidamo aanan mushaar lasiinin, waxaase jira walaac la qabo oo ah in ay isku dayayeen in ay minja xaabiyaan heshiiska siyaasadeed ee Sudan.

Jeneraal Maxamed Hamdan oo ah sarkaal sare oo katirsan golaha talada Sudan haya ayaa madaxii hore ee sirdoonka, Saalax Goosh ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay wadankaas.

Inkastoo falkii ka dhacay Khartuum aanu ku tilmaamin afgembi, haddana wuxuu sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin.

Tifatiraha BBC-da ee Afrika, Will Ross ayaa sheegay in dhowaanahan uu jiray walaac xoogan oo ah in xasilloonida Sudan aysan ka saldhigan doonin shakhsiyaadkii saameyn xoogan ku lahaa maamulkii hore, kuwaas oo uu sheegay in aanay ku qanacsaneyn qaabka ay wax u socdaan ka dib markii bishii April ee sannadkii hore xilka laga tuuray madaxweynihii hore, Cumar Xassan Al Bashir.

Ciidamo katirsan sirdoonka Sudan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya askari xabad kor u ridaya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo warrantay in ciidamo gadoodsan ay isku gedaameen dhismo u dhaw garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale AFP ayaa sheegtay in shan qof ay ku daawacmeen qalalaasihii shalay ka dhacay Khartuum.

Wararkii uu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidanka dowladda ay la waregeen dhamaan dhismayaashii ay markii hore isku gedaameen ciidankii katirsanaa sirdoonka ee gadooday.

Kooxda ugu weyn kooxihii dibadbaxa ka dhigay dalka Sudan ayaa ku baaqay in la joojiyo hawgallada aragagaxa ku beeray shacabka Sudan.

Ugu yaran 170 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen xilliyadii ay socdeen dibadbaxyada, waxaana kala eryidda dadkii dibadbaxayay qeyb weyn ka qaatay sirdoonka Sudan ee haatan gadoodka sameeyay.

 

isha warka .BBC

Category