Faahfaahin kasoo baxeysa qarax xaley ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa laba qarax oo xalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo mid kamid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay saldhig milateri.

In ka badan nolosha 15 qof ayey qaraxyadaasi galaafteen halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qof uu isku hor miidaamiyay albaabka laga galo xarun lagu tababaro militeriga Soomaaliya oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa askar la qorayay iyo dad rayid ah.

Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan weerarkaas.

Waxaana adag in la xaqiijiyo warkaas balse militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in tiri kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen weerarro ay toddobaadkan ku qaadeen deegaanno hoostaga maamulka Hirshabeelle.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerraradaasi, waxaana ay weerraradan imaanayaan xilli ururkaasi gacantooda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaal bartamaha Soomaaliya, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo milateriga qaranka iyo maleeshiyo xulafo la ah oo dhinac ah.

Militeriga ayaa sheegay in Khamistii ay duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya isla markaana ay ku dileen 15 Al-Shabaab ah.

Xigasho: BBC

Category