FAALLO: Qalinka Iyo Qoraaga

Qalinka Iyo Qoraaga waa barnaamij Qalb-Fur ah (Inspirational) oo macno ahaan u taagan Hirgelinta Qoraaga Cusub, looguna talagalay in lagu dhiirigeliyo dhalllinyarada dugsiyada iyo jaamacadaha dhigata oo doonaya in ay noqdaan qorayaal iyo suugaanyahano qora maansooyinka togan ee dal iyo dadba lagu dhisi karo, noloshana lagu fahmi karo, aqoonta sayniska lagu daahfuri karo, diinta lagu baran karo, dawlad lagu dhisan karo, deegaanka lagu ilaashan karo, xumaanta lagula dirir karo, wanaagga la isugu fari karo, dadkana tubta nabadda lagu toosin karo iwm.

Inta aan barnaamijka la bilaabin waxaan isku dayayaa in aan idinla qeybsado qaab-fekerka loo baahan yahay in lala yimaado si loo diyaariyo suugaan tix ama tiraab ah oo togan ee haddana kooban oo macna weyn sidda. Shuruudda u horeysa ee looga qeybqaadan karo barnaamijkan Qallinka iyo Qoraaga waa Aqriska. Qofka doonaya inuu qoraalkiisa horumariyo waa inuu marka hore aqriska badiyaa. Waa inuu noqdaa qof afkaar togan faafiya oo nabadda u hiiliya.

Sida lagu noqdo abwaan nabadeed ama qoraa nabadeed waa in aad si caddaald ku jirto oo qalbi wanaag ah wax u qortaa. Waa in aad wax walba ka eegtaa dhanka togan kana eegtaa dhinacyo badan. Waa in qoraalkaagu xambaarsanyahay cashar laga baran karo xitaa haddii waxa aad qoreyso ay yihiin xumaan dhacday ama yihiin hal abuur khiyaali ah oo aad dadka u soo bandhigeysid. Ogow sheekada laguma qiimeeyo xumaanta ama wanaaga ay ku saabsantahay waayo taasi micno weyn ma sameyneyso, waxaa micno sameeya waxa laga baran karo sheekadaas oo aqristaha anfacaya, gaar ahaan xigmadda iyo khibradda ku jirta sheekada oo si sahlan loo dhuuxi karo.

Sidaa darteed waxaa lagaa doonayaa in casharka ku jira qoraalkaaga in uu noqdo mid erayada laga soo dhex dhiraandhiri karo. Haddii aad sarbeebo qoreyso, sarbeebahaagu waa in ay noqdaan kuwo qofka feker u kordhiya oo si togan u taabta qalbigiisa oo aysan noqonin kuwo hoosgelis ah oo qofka ka careysiiya. Suugaanta noocaas ah waa suugaan taban oo Somalidu isticmaasho waxayse leedahay majaalkeeda iyo makaankeeda. Suugaanta togan waa suugaan ay ku dheehanyihiin talooyin wax tar leh. Waa suugaan la hadleysa qalbiga dadka, kobcineysa fekerkooda, sarena u qaadeysa wacyigooda. Waa hogatusaaleyn aqristaha ku dhalin karta dareen garasho.

Suugaanta togani waxay dhistaa shaqsiyadda qofka, waxayna isku xirtaa niyadda dadka waayo danguud bey ka hadashaa, dan gaar ah culeyska ma saarto. Wax ummaddu wada leedahay bey iftiin ku shiddaa ee iskuma hawsho wax reero kala leeyihiin ama ay kala sheegtaan. Waxaan doonayaa in aan hal maanso oo Ingiriisi ah aan halkan idinkugula qeybsado si aad u aragtaan xumaanta aan ka hadlayo iyo dhanka aan ka eegayo, iyo sida aan u jilcinayo erayada aan isticmaalayo si farriintu ay u noqoto mid dhaqsiba ku milanta dareemada aqristaha.

Waxaan ka hadlayaa wax la yiraa Bureaucracy ama xafiis-cayil oo micnaheedu yahay xafiisyo tiro badan oo aan wax qabanin laakin dadweynaha waraaqaha ku silciya waayo warqadi gasha kama soo baxdo. Taasi waxay dhashaa musuqmaasuq baahsan. Maarka aan qorayo maansada Xafiis-Cayil ma weerarayo dawladda madaxdeeda mana u gefayo masuul xil haya, qof gaar ahna eedda ma saarayo. Waxaan ka hadlayaa wax la yiraa Bureaucracy ama brukradsiya oo sidan sheegay ah in wax walba ay dawladda soo maraan. Haddii dawladdu ay leedahay 200 xafiis iyo 3000 shaqaale, nidaamkeedu waa mid qariban. Wuxuu ku dhisanyahay in warqad kasta ay soo wada martaa dhammaan xafiisyadaasi, xafiisyaduna sida ay u shaqeeyaan ay tahay in waraaqa uun ay soo saaraan oo aysan waxba u qaban shacabka, kolkaana shaqad dawladdu ay noqoto waraaqo ishdaafaya oo kuwana ay xafiisyada galayaan kuwo sharciyo iyo awaamir sidana ay dadweynaha soo gaarayaa, codsigoodi ay dirsadeena ay sugaan bilooyin iyo ka badan. Taasi waxay xanibeysa habsami u socodka dawladnimada korna u qaadeysa musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta, waayo qofki doonaya in warqadiisa loo soo dedejiyo waa inuu lacag laaluusha bixiyaa. Casharka meesha ku jira waa in la hagaajiyo nidaamka dawliga ah si uu u yaraado musuqamaasuqa, una bato fulinta adeegga bulshada.

W/Q:Cabdnuur Maxamed

Qoraalkan waxa ay gaar u tahay magaca qofka ku qoran kama turjumeyso aragtida Radio Hormuud

Category