Garoowe : Warshad gubatey

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay dhismaha warshadda Furaashyada ee  Tabaarak oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe, mana cadda waxa dhaliyey dabkan.

Dedka degaanka ayaa sheegay in ay hantibadani taaley goobta

waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah, waxayna ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dabkaasi ka kacay warshadda isbuunyada Tabaarak.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo la sheegay inuu ku sii fidayo goobo horleh oo ku yaalla caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in lagu guuleystay in qaybta keydka warshadda laga saarayo agab diyaar ahaa oo  horey loo sameeyey, si aanay u waxyeeleen dabka.

Category