Guddigii Isimada ahaa ee Muqdisho ka yimid oo maanta tagay magaalada Laascaanood si ay xaaladda u qiimeeyaan

RH: Guddigii Isimada xal u raadinta colaadda Laascaanood ee Muqdisho ka yimid ayaa maanta markii ugu horreysay tagay jiidaha dagaalka ee magaalada Laascaanood.

Guddigan ayaa bilaabay inay qiimayn ku sameeyaan waxyeelada ka dhalatay dagaaladii ka dhacay Laascaanood iyo khasaaraha ay geysteen duqaymaha lagu eedeeyay ciidamada Somaliland.

Guddiga ayaa magaalada Laascaanood tagay xilli shalay halkaas uu dagaal aad u culus ciidamada Somaliland iyo kuwa huwanta ku dhexmaray farriisimihii la isku horfadhiyay.

Sawirro lagasoo qaaday ayaa muujinaya Isimada oo ku sugan qeybo kamid ah meelihii uu dagaalku ka dhacay, waxaana safarkooda ku wehliya garaadada SSC.

Geesta kale, guddigan oo xalay magaalada Garowe kulan kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa la filayaa inay socdaalkooda Laascaanood kadib usii gudbaan dhinaca magaalada Hargeysa.

Wuxuu qorshahoodu yahay inay xal nabadeed u raadiyaan magaalada Laascaanood oo muddo ka badan saddex bilood uu ka socda dagaal aad u culus oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac.

Category