Heesta Fanaanadda Nimca Happy ee sida weyn u soo jiidatay ajaanibta

Waxaa todobaadyadii la soo dhaafay qabsaday Baraha Bulshada hees ay ku luuqayso fannaanadda Nimco Happy, heestaas oo magaceedu yahay "Isii Nafta” . taas oo dhalisay hadal hayn badan gaar ahaan barta TIKTOK kadib markii ay soo jiidatay dad badan oo ajaabib oo isticmaala bartaas.

Heestan ayaa waxa ay xitaa soo jiidatay dareenka warbaahinta adduunka qaarkeed kadib markii ay muuqaalada maaweelada u adeegsadeen dad Baraha Bulshada caan ka ah.

Muuqaalada ugu badan ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxa ka falcelinayay dad badan oo aan ahayn Soomaalida una badan ajaanib.

Heestaan oo erayadeeda ay ku jiraan luuqada kala duwan ayaa xiiso gaar ah u yeelatay dhagaystayaasha caalamka oo aad soo jiidatay.

Heestaan ayaa la sheegay in aad looga dhagaysanayay maqaayadaha lagu caweeyo ee magaalooyinka London iyo New York maalmihii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah erayada heesta "Isii Nafta"

Arko oo damacaa eryaaya

Uur-ba jaceel aan huraynee

Ha aadin dheh meel kaleeto

Jaceylka ku aamin laabta

Qalbiga ku abuur dareenka

Ubaxa aan beeray maanta

Ha aasine adigu muuji

Ogsoonoo inaan ku kujeclahay

Ana love you more than my life

Ana xibak yaa xabiibi

Nakupenda mimi saba

Waa u jeedada caashaqayga

Adkeey balamaha dhaxdeena

markaan erayada jacaylka

Amaan tiriyoo ku heeso

Abaal ? haay

Hogaan arimadu ku raagtay

Indhahaan kaligaa ku fiirsha

Naftayda u ooman agtaada

La taag aqal yee ildhoobin

Ogsoonoo inaan ku kujeclahay

Ana love you more than my life

Ana xibak yaa xabiibi

Nakupenda mimi saba

Waa u jeedada caashaqayga

Xiggasho: BBC

Category