Jigjiga iyo sawirrada dad loo xareenayay Diversity Visa Lottery-ga.

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida, ayaa xaley dad badan la arkayay iyagoo safaf ugu jira goobaha sawirrada lagu qaado iyo Internet-ka, si ay u xareestaan baqtiyaa nasiibka Diversity Visa Lottery.

Dhallinyaro isugu jiray gabdho iyo wiilal ayaa buuxiyay goobaha laga xareeyo barnaamijkan si ay nasiib uga noqdaan kumanaan kun oo qof oo bulshooyinka caalamka ah ee la geenayo Mareykanka, kuwaas oo marka ay Mareykanka galaan xaq loo siiyo in ay shaqaysan karaan.

Xaley waxa u ahayd habeenkii ugu dambeeyay ee la xareesanayay baqtiyaanasiibka dadka loo siiyo in ay ku noolaadaan dalka Maraykanka, qof kasta oo xaley loo xareenayay barnaamijkan Dv Lottery-ga waxaa laga qaadayay lacag dhan 100 Birr.

Maraykanka, sannad walba, 50,000 oo qof ayuu siiyaa degananaanshiyo lagu doorto baqtiyaa nasiib kuwaasoo loo oggolaado in ay ka shaqeystaan kuna noolaadaan.

Haddaba, ma fududa in qof kasta oo ku guuleysto baqtiyaa nasiibka uu bixiyo Maraykanka sannad kasta, oo waxaa wareysiyo la yeelata safaaradda Maraykanka dalka ay joogaan sida Nairobi, Addis Ababa iyo Djibouti.

 Jigjiga iyo sawirrada dad loo xareenayay Diversity Visa Lottery-ga. Jigjiga iyo sawirrada dad loo xareenayay Diversity Visa Lottery-ga.



Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category