Kumuu ahaa xildhibaanka UK ee dilkiisa loo qabtay ninka Soomaaliga ah?

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori.

Xubno ka tirsan dowladda ayaa BBC-da u sheegay in ninka heysta dhalshada Britain ee falkaas u xiran uu u muuqdo inuu asal ahaan yahay Soomaali.

Ku dhawaad afartan sano ayuu ahaa siyaasi u taagan xisbiga Asalraaca ah ee loo yaqaanno Conservative-ka, waxaana uu baarlamaanka ka tirsanaa tan iyo sanadkii 1983-kii. Baarlamaanka wuxuu kusoo galay inuu noqdo xildhibaanka Basildon.

Kursiga waxa uu la wareegay sanadkii 1992-kii, balse waxa uu u wareegay deegaan baarlamaaneedka ku dhow ee Southend West, kaasoo uu kusoo baxay doorashadii dhacday 1997-kii.

Ninkan oo kusoo barbaaray diinta Roman Catholic, waxaa lagu yaqaannay inuu ahaa siyaasi u janjeera dhinaca bulshada, waxa uuna caan ku ahaa dadaalka uu ugu jiray taageerada ololaha ka dhanka ah ilmaha la iska soo xaaqo iyo sidoo kale arrimaha la xiriira xoojinta xannaanada xayawaanka.

Waxyaabaha kale ee lagu bartay waxaa ka mid ahaa inuu hormuud u noqday Southend, howshiina waxaa qaby ka ahayd inuu u horseeday darajada magaalanimada.

Dhanka kale, waxaa iska soo daba dhacayay tacsida loo dirayay qoyska Sir David oo ka imaaneysay siyaasiyiinta u badan deegaankiisa.

Ra'iisul Wasaare Boris Johnson ayaa ku ammaanay xildhibaanka la dilay "inuu hindise sharciyeedyo aad u badan u hirgeliyay si loogu caawiyo dadka nugul", isagoo intaasna ku daray: "Maanta waxaan weynay nin fiican oo u adeegi jiray shacabka iyo saaxiib aan jecleyn oo sidoo kalena shaqo naga dhaxeysay".

Xiggasho: BBC

Category