Qaraxa Kismaayo: Gaari siday ciyaartoy oo ku qarxay Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa goordhaw ku qaraxay baas ay la socdeen koox ciyartoy ah.

Wararka waxay sheegayaan in baska ay la socdeen ciyaartoyda kooxda lagu magacaabo JCCI ee Kismaayo ka dhisan, sida uu qoray Radio Muqdisho.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga uu gubtay ayna jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, inkasta oo weli aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Dowladda Soomaaliya, SONNA, waxaa qaraxa ku dhimatay afar qof oo ka mid ahaa ciyaartoyda.

Sida uu qoray bogga Radio Muqdisho, gaariga siday ciyaartoyda wuxuu ku sii jeeday garoonka kubadda cagta, "halkaas oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland uu ka daah furi lahaa galabta tartan u dhexeeya kooxaha magaalada oo ku saabsanaa isdhexgalka bulshada."

Dadkii la socday gaariga waxay ka tirsan yihiin Kooxda Kubadda Cagta Rugta Ganacsiga Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida dhallinyarada ku dhimatay qarixii maanta ka dhacay Kismaayo.

Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheeyagy: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna."

Wuxuu intaa ku daray: "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna".

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda, wuxuuna qaxa ku eedeeyay Al-Shabaab.

Wuxuu bartiisa Facebook ku qoray: "Al-Shabaab waxaa ka go'an in ay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida dhalinyarada, aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa in ay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed."

xigasho BBC

Category