Roobab lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Somaliland

Hargeysa(RH):-Roobab dad iyo duunyaba lagu diirsaday ayaa ilaa xalay ilaa maanta ka da”ayay deegaano ka tirsan Somaliland.

Roobabkan oo ahaa  kuwa lagu qabawsaday isla markaana meelihii dadka iyo duunyaduba biyaha ka cabayeen ee Baraagihii iyo baliyadiiba biyo galiyey ayaa waxay ka hooreen gobolada Awdal,Gabiley Saaxil,Togdheer iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland gaar ahaana deegaanada ku teedsan Xeebaha.

Roobabkan Xayska ee ka da’ay Somaliland Ayaan laga soo sheegin wax khasaare nafeeda

Geesta kale Taliska Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa digniin udiray kaluumaysta iyo cidkasta oo ka-ag dhow xeebaha dalka inay ka taxadiraan meelaha dooxyada iyo badaha dalka iyo aagaga ay dooxyadu badda ka galaan mudada ay da’ayaan roobabka xaysku kuwaasi oo wata dabaylo sida ay sheegtay saadasha dhinaca badda iyo ciidanka xeebuhu kuwaasi khasaare sababi kara .

 

Category