Shirweynihii 2aad Ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Furmay Hargeysa

Hargeysa(RH):-Shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa  ka furmay maanta Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kaas oo ay ka soo qayb-geleen ergooyin tiradoodu ay dhantahay 1,300 (kun iyo saddex boqol oo ergay). Ergooyinka ayaa ka kala yimid gobollada iyo degmooyinka Somaliland, halka ay sidoo kale ka soo qayb galeen qurbejoog ka kala timid daafaha Dunida.

W

Waxa kale oo ka soo qayb-galay marti sharaf kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen masuuliyiin ka socday Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, xubno ka socda ururadda Bulshada rayidka ah,madax-dhaqameed,haldoor, aqoon-yahan iyo marti sharaf ka socday taageerayaasha Xisbiga.

 

W2

Ka hor furitaanka shirweynaha ayey ergada iyo marti sharaftu ay halkaas ku dawaadeen muuqaal ka warramaya aasaaskii iyo marxaladihii uu soo maray Xisbiga WADDANI tobankii sano ee uu jiray.

W3

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare), ayaa ka hadlay furitaanka shirweynaha labaad ee Xisbiga Waddani,ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray qaban-qaabada shirweynuhu,isagoo sheegay in ay muddo 75 maalmood ah ka soo shaqaynayeen sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynahani.

W4

Ugu horeyntii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Murrashax Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo jeediyey saddexda xubnood ee Shir-guddoonka Shirweynaha labaad ee Xisbiga WADDANI noqon doonna

Saddexdan xubnood ee uu soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ayaa kala ahaa Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiye kuxigeen Axmed Xuseen fag-fagaash iyo Xoghayaha Shirguddoonka Barkhad Jaamac batuun.

W5

Xubnaha Shir-guddoonka, waxa cod gacan taag ah ku doortay ergada Shirweynaha,waxaanay inaas kaddib sidaas kula wareegeen shir guddoonka shirka saddex-daa xubnood ee loo doortay inay shir guddoomiyaan shir weynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI.

W6

Guddoomiyaha shir-guddoonka Shirweynaha labaad ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka hadlay Madasha shirka, ayaa sheegay in shirku socon doono laba maalmood,isagoo xusay in maanta oo ah maalinta koowaad,laga dhegeysan doono warbixinaha hawl wadeennada Xisbiga iyo Hoggaanka Xisbiga.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ku hadlayey afka Xildhibaannada Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in guushii doorashooyinkii isku sidkanaa uu ka soo hooyey Xisbiga WADDANI ay muujinayso taageerada Xisbigu haysto,waxaanu ammaanay Guddoomiye Cirro, isagoo sheegay inuu yahay masuul hayin ah oo hoggaamiye,isla markaana siyaasiyiinta bar-baariya,halka uu Madaxweyne Biixi ku tilmaamay shaqsi abaal laawe ah oo siyaasiyiintii la soo halgamay jarka ka tuura “Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi wuxuu door-biday inuu dhiso raggiisa oo uu kuraas saaro oo uu madax ka dhigo,madaxtinimada waxay ku timadaa dadkaaga oo aad dhisto ayaa kursiga lagu fuullaa,waxaan rejaynayaa in shir weynaha Xisbiga uu dhalli doonno Guddoomiye cusub”ayuu yidhi

W7

Dhanka kalena waxa iyana hadalka la siiyey xubnihii marti sharafta Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE, kuwaas oo ka markhaati kacay sida hufnaanta ah ee loo soo agaasimay shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI,waxaanay masuuliyiin ku kala hadlayey afka Xisbiga KULMIYE iyo UCID ay halkaas ka jeediyeen haddalo duco iyo dar-daaran iskugu jiray .

Bashiir Xasan  oo kamid ah marti sharaftii Xisbiga UCID oo halkaas ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey madax-da Xisbiga WADDANI ,waxaanu sheegay in labada Xisbi ay yihiin weli kuwo isku garabsanaya bad-baadinta dalka,isla markaana diyaar u ah doorasho “Isbahaysiga WADDANI iyo UCID wuu jirayaa wuuna jirayaa ilaa la isla gaadhayo markhaati furka doorashada Madaxtooyadda “

W9

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Xisbiga KULMIYE Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa ayaa bogaadiyay shirweynaha Xisbiga WADDANI.

W8

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Kayse Faarax oo iyana madasha ka hadashay ayaa halkaas ka jeedisay haddalo mahadnaq iyo dar-daaran iskugu jiray ‘’Xisbiga WADDANI ballan qaadkii haweenka wuu muujiyey ergaddana tiro aad u badan ayuu ka siiyey,kuwaas oo ka kala yimid Gobollada dalka iyo daafaha caalamka,ballankeenu waa in aan dhisno Cabdiraxmaan 2022-ka.“

Q10

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee heer Qaran Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidji “Waxa Dhalinyarada ka go’an in ay ka shaqeeyaan isbeddel waddanka ka dhaca, waxaynu ka saaraynaa dhalinyarada Somaliland niyad jabka ay ka qaadeen Xukuumadda talada haysa ee Muuse Biixi”

Dhanka kalene Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI  Khadar Xuseen Cabdi ayaa isna ka war-bixin ka jeediyey halkaas,isagoo ka war-bixiyey wax-yaabihii Xisbiga u qabsoomay iyo qorshayaasha hadda u diyaarsan“Xisbiga Waddani waxa uu sameeyey dib u habayn iyo carsiyey maamulka Xisbiga ah, intii ka dambaysay 2017-kii. Isbeddelka maamul ee Xisbiga Waddani sameeyey waxay ka muuqatay doorashadii isku sidkanayd, taas oo keentay in Xisbigu noqdo Xisbiga ugu baaxad weyn Golaha Wakiillada, isaga oo ku leh 31 Kursi, waxaanu ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland” ayuu yidhi xoghayaha guud

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirweynaha labaad Xisbiga.taas oo uu kaga hadlay marxaladda waddanku marayo, Sicir bararka, siyaasadda arrimaha dibedda, doorashooyinka iyo qorsheyaasha Xisbiga Waddani ee doorashada madaxtooyada ee soo socota.

11

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu ka hadhay mar labaad inuu u tartamo jagada Guddoomiyaha ee Xisbiga Waddani, isaga oo xusay inuu fursad siinayo madaxda kale ee Xisbiga Waddani.

SSZ

Gunaanadkii waxa shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI khudbad dhinacyo baddan taabanaysay, ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed,waxaana kamid haddaladiisii kuwan:- “Markii aanu ka baxaynay Kulmiye raggii nala yaabanaa, maanta ayey nala dareen yihiin, waanu ku faraxsanahay in aanu isa soo gaadhnay,Waxaynu ku jirnaa marxalad adag oo uu maanta dalku marayo, waxaynu u baahanahay isbeddel” ayuu yidhi

Category