Somaliland Iyo Itoobiya Oo Iska Kaashanaya Ilaalinta Duur-Joogta

Jig-jiga(RH):-Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxa ka furmay shirka iskaashiga Somaliland iyo dawlad degaanka ee ka hortaga ka ganacsiga xayaawanka duurjoogta, siiba Harimacadka.

Shirkan oo magaalada Jigjiga ka socon doona muddo saddex maalmooda waxa soo qaban qaaabiyay ururka CCF, waxaana furitaankiisii goob joog ka ahaa wasiirka xafiiska degaanka iyo maamulka dhulka miyiga ah ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo agaasimaha guud ee wasaarada degaanka iyo isbadelka cimilada Somaliland iyo madaxa wakaalada ilaalinta duurjoogta ee dawladda Faderaalka Itoobiya, iyada mudada uu shirkaasi socdo labada dhinac kaga wada hadli doonaan arrimaha la xidhiidha ilaalinta duurjoogta.

Waxa kulankan ka soo qayb galay xafiisyada bah-wadaagta la ah xafiska Iiaalinta deegaanka, xubno ka socda wakaaladda Ilaalinta Duur-joogta ee dalka Itoobiya iyo hay’adaha u dhaqdhaqaaqa ilaalinta duur-joogta ayaa mudada uu socdo waxaa lagaga wada hadli doonaa sidii Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka ganacsiga sharci-darrada ah ee duur-joogta khaasatan Harimacadka.

Muxiyadiin Cabdi Xuseen wasiirka ilaalinta iyo maamulka dhulka miyiga ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in mudada kulankaasi socdo ay maamul dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland ay iska kaashan doonaan ka hortaga ka ganacsiga sharcidarada ah ee duurjoogta siiba Harimacadka.

Waxaanu yidhi.“Magaalada Jigjiga waxa inooga furmay kulan lagaga wada tashanayay la dagaalanka ka ganacsiga sharcidarada ah ee duurjoogta, khaasatan xayawaanka Harimacadka, waana kulankii labaad ee lagu qabto degaanka, waxaana xooga lagu saaraya sidii loo ilaalinlahaa khayraadka dabiiciga ah, ee uu ILLAAHEY inagu manaystay, sababto ah waxa jira dad aan fahansanayn.

Mar haddii Somaliland aanu la leenahay xuduud dheer waxa aanu meel uga soo wada jeesanayna la dagaalanka dadka ka ganacsanaya xayawaanka Duurjoogta gaar ahaan Harimacadka oo hadda sii dabargo’aya.”

Ugu danbeyn agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo isbadelka cimilada ee Somaliland Cabdikariim Aadan Siciid, ayaa sheegay in kulankani waxtar u yeelan doono wada shaqeynta labada dawladood ee arrimaha la xidhiidha ilaalinta duurjoogta iyo daryeelka degaanka.

Waxaanu yidhi.“Waa sidii loo joojinlahaa ka ganacsiga xayawaanka Harimacadka, boqol sano ka hor boqol kun oo Ugaadh ah ayaa jiray, imikana kun iyo toddoba boqol oo xabo ay ku hadheen, marka waad garan karaysa culayska uu leeyahay, Harimacadka ganacsi fara badan oo dhanka dalalka Carabta ka socda ayaa ku socda.

Haddii aanu Somaliland nahay waxa aanu badbaadinay boqol Harimacad oo aanu hadda magaalada Hargeysa ku hayno, maalinkastanaw axa aanu la dagaalamayna dhoofinta sharcidaradda ah ee Harimacadka”

Waa kulankii labaad ee noociisa ah ee lagaga arrinsanayay wax ka qabashada iyo ilaalinta ilaalinta duur-joogta, maaddaama Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland yihiin deegaanno daris wadaag ah.

 

 

Category