Wafti Ka Socda Dawladda Itoobiya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Hargeysa(RH):-Wafti Wasirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya, Axmed Shide ayaa  soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waftiga ayaa waxaa Madaarka Caalamiga ah ee cigaal kusoo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha wasiiradda waxana loo sii gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda sarre ee Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi .

Imaanshaha waftigan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay Hargeysa yimaadeen wafti kale oo ka socda Dalka Masar, iyada oo ay taagan tahay xiisadda webiga Niilka.

 

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa todobaadkan xaqiijiyey in wefti heerkiisu sareeyey oo ka socday Dawladda Masar, ay yimadeen Somaliland kuwaasi oo kullamo la yeeshay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa iftiimisey in xidhiidhka Somaliland iyo Masar aanu dhaawacaynin cilaaqaadka Somaliland la leedahay Itoobiya, waxaanay caddeeysey in mowqifka Somaliland yahay in dalalka Itoobiya iyo Masar ay ku furdaamiyaan arrinta Biyo-xidheenka wadahadal iyo jawi Nabadgelyo.

 

Category