Xiisadda ka taagan magaalada Guriceel iyo waxbarashadii oo istaagtay

Warrarka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in inta badan waxbarashadii ay istaagtay kadib markii ay korodhay tirada dadka ka qaxaya magaaladaasi.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa ku sii dhaawanaya Guriceel oo ay dhufeysyo ka qoteen ciidamada ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo halkaasi qabsaday kowdii bishan October.

Dadka magaalada oo ka baqdin qaba in dushooda lagu dagaalamo ayaa u qaxay miyiga fog ee magaalada, taasina waxay keentay in goobihii waxbarsahadu xirmaan kadib markii ardaydii tagi lahayd ay la qaxeen waalidkood.

Haddaba si aan u helno warrarka la xiriirra xirnaashiyaha Iskuullada Guriceel, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan taleefanka Guriceel kula hadlay Cabdiqaadir Jaamac Tarabi oo kamid ah maamullayaasha dugsiyada sare ee Guriceel, wuxuna marka hore weydiiyay bal inuu ka waramo sababta loo xiray dugsiyada waxbarashada.

ISHA: BBC

Category