Maxaa u qabsoomay Cirro 100 kii maalmood ee xafiiska uu joogay?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo dhawaan dhammaystay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay ee xafiiska, ayaa la aamisan yahay in uu muujiyay hoggaan hufan, dib-u-habeyn amni, iyo horumar dhaqaale, taasoo si weyn u kasbatay kalsoonida shacabka Soomaaliland .

Nabadgelyo iyo Dib-u-heshiisiin

Madaxweyne Cirro ayaa hirgeliyay Guddiga Nabadeynta, oo ka kooban odayaal dhaqameed iyo aqoonyahanno, si loo xalliyo khilaafaadka gudaha iyo dib-u-heshiisiin . Guddigan ayaa si guul leh uga shaqeeyay dejinta xiisado horey u jiray, iyadoo la xoojiyay wada-hadallada bulshada. 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay Taliyaha Guud ee ciidanka milateriga Somaliland, Janaraal Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo ah taliyaha ugu da’da yar ee taariikhda Somaliland. Janaraalka ayaa bilaabay dib-u-habeyn ballaaran oo ciidamada ah, oo ay ka mid yihiin kordhinta mushaaraadka iyo hirgelinta nidaamka diiwaangelinta biometriga si looga hortago musuqmaasuqa. 

Intii uu xilka hayay, Madaxweyne Cirro wuxuu qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo dhaqaalaha, isagoo diiradda saaray horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe. 

Madaxweyne Cirro ayaa si weyn u kasbaday kalsoonida shacabka, isagoo ku guuleystay in uu xalliyo khilaafaadyo horey u jiray, una horseeday Somaliland xasillooni siyaasadeed. Tani waxay keentay in shacabka ay si weyn u taageeraan hoggaankiisa, iyagoo muujiyay rajo iyo kalsooni ku aaddan mustaqbalka dalka. 

Marka loo eego 100-kii maalmood ee ugu horreeyay ee xilkiisa Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi, waxaa si weyn loo rumeysan yahay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu weli haysto taageerada ballaaran ee shacabka Somaliland, xilli ay dadweynuhu aad ugu baahi qabaan xasillooni siyaasadeed iyo hoggaan mideeya. Cirro waxa uu muuqday inuu la jaanqaadayo baahiyaha shacabka, isagoo si deggan u wajahay caqabadaha, isla markaana ku guuleystay abuurista rajo iyo is-aamin.

W/Q: Cabdijaliil Cismaan

Category