Axmed Madoobe oo soo gudbiyey murashaxiinta xubnaha aqalka sare ee ku harsanaa

Kismaayo (RH)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa soo gudbiyey liiska magacyada murashaxiinta, afartii kursi ee ku harsaneyd ee aqalka sare ee baarlaamaanka Soomaaliga ku matali lahaa maamul goboleedkani.

Doorashada xubnaha harsan ee aqalka sare, ayaa in muda ah hakad ku jirey, iyadoo soo gudbintani ay qeyb ka noqoneyso soo dhameytirka xubnihii ka dhinnaa gaba gabeynta doorashada aqalka sare.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa soo food saarey dibu dhacyo fara badan, iyadoo uggu danbeyntii ay dhawaan bilaabatey.

Marka la gaba gabeeyo xulashada xubnaha aqalka sare, ayaa la filayaa in loo gudbo doorashada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xiggasho: BBC

Category