Axmed Madoobe oo tegay Boosaaso

Boosaaso (RH)-Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah tegay magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jubbaland uu yimid Puntland in ay kawada hadlaan iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqangalinta hanaanka Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Denni ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland lagu yaqaano sida ay uga shaqayso Midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka adag ee lagula jiro Argagixisada taas ayuuna sheegay inay tahay wax weyn loo in lasii joogteeyo u bahaan.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dhinac ee iskaashiga ku dhisan iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahayeen hormarka dalka gaar ahaan arrimaha nabadgalyada iyo Federaalka oo ay tahay in lasii xoojiyo sida uu madaxweynahu sheegay.

Dhinaca kale,Madaxweynayaasha maamullada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, Maxamed Cabdi Waarre iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta iyana soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib shirka iskaashiga Maamulladan oo Baydhabo ay ka wada qeyb galeen labada madaxweyne.

Lafta gareen iyo Waare oo soo gaaray Muqdisho

Wafdiga labada Madaxweyne ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii shir looga hadlayay horumarinta maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, kaasi oo door weyn ay ka qaadatay safiiro ka socda Wadamada Midowga Yurub.

Madaxweyne laftagareen ayaa maamulka Hir-Shabeelle iyo xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.

Radio Hormuud

Studdio 3

Mogadishu Somalia

 

Category