Denmark. 60 Bilyan oo loo qeybiyey shaqaalaha

RH Kolding: Galinka hore maanta oo  Talaado ah waad geli kartaa oo dalban kartaa saddex toddobaad oo mushahar fasax ah . Sidaas waxaa war-saxaafadeed ku sheegtay Wasaaradda Shaqo-gelinta Wadanka Denmark.

Aqlabiyadda siyaasiyiinta Baarlamaanka ee fadhiga xaruntooda Christianborg ayaa isku raacay horaantii sanadkan in qaybo ka mid ah lacagaha la xayiray la sii daayo si kor loogu qaado dhaqaalaha.

Lacagta ayaa xidhnayd mudo dheer waxaana loogu talagaley in  la bixiyo oo keli ah markay deenishku hawlgab noqdaan. Hadda waxaa la siinayaa lacagtii u taaley waxkhtigii kahor.

Wasiirka shaqada Peter Hummelgaard (S) ayaa rajaynaya, in dadku ku bixin doonaan lacagta gudaha  dalka DK iyo iibsiga alaabta dheenishka si lacagtu dalka ugu dhex wareegto.

- Waxaan u samaynay arrintaas waxaannu rajo ka qabnaa, inay gacan ka geysan karto sidii loo badbaadinlahaa shaqooyin badan, ayuu ku usheegay wakaalada wararka ee Ritzau.

Lacagta waxaa la bixin doonaa ilaa 7 maalmood oo shaqo amarka ka dib waxaana loo canshuurayaa dakhli caadi ah. Waxaad dalban kartaa lacagta illaa 1 bisha Diseembar.

Lacagtan la qeybin doono oo dhan ilaa 60 bilyan oo koron, ayaa loo qeybindoonaa  in ka badan saddex milyan oo deenish ah.

Waxay helayaan  seddex ka mid ah shanta toddobaad ee fasaxa ee hore loogi sii dhigay balse xayirneyd qaadashadeedu . Labo toddobaad ee u hadhsan dadka  ayaa laga wada xaajoondoonaa waxa laga yeelayo  dabayaaqada dayrta.

Dhaqaalayahanad katirsan bangiga Dansk Bank ayaa tidhi ”Waa inaad u tixgelisaa lacagta inay ka mid tahay keydkaaga hawlgabka oo aad qiimeyso haddii aad u baahan tahay hadda in lagaa saaro, ama aad sugi karto, ayay tiri.

Dadla qaar ayey macno fiican samayn kartaa, in lacagta la siiyo hadda, tusaale ahaan,  hadii ay iskaga bixinayaan  deyn qaali ah oo dulsaar badan leh, ayay tidhi.

Waxaad ku dalban kartaa lacag bixinta adoo adeegsanaya websaydhka borger.dk, oo ah meesha aad ka gasho NemID-kaaga.

10.30 subaxnimo ee saaka oo  Talaada ah , ku dhowaad 400,000 ayaa safaf ugalay Borger.dk si ay u dalbadaan lacag bixinta fasaxa.

Waxayna kugu qaadaneysaa in aadgasho website kaas wakhti ka badan saacad maadaama oo uu sixmad yahay  .

Category