Denmark: Lacagtii fasaxa (ferie penge) oo la bixindoono

RH: Hadii aad ka midtahay Denishkii dhawrayey in la siiyo labadii todobaad ee u hadhsanaa lacagtii udhigantay ee fasaxa loogu talo galay , waxaan kuu hayaa war kaa farxiya oo ah in Baarlamaanku ay maanta ansixiyey in lacagtaas dadku ay qaadankaraan dhamaadka bishan aynu kujirno ee Maarso.

xidhmadan lacagta ah ee la qeybin doono ayaa dhan  ku dhowaad 24 bilyan oo koron cashuurta kadib .

lacagtan ayey ujeedadu ahayd in dadka la siiyo da'da waayeelka marka ay u biirto ,balse waxaa soo dedejiyey si dadweynaha loo caawiyo xilligan adag ee uu noloshii iyo dhaqaalihii dadka waxyeeleeyay covid-19 .

Category