Fahad Yaasin oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray maanta oo Talaado ah taliyihii hore ee nabasugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin

Fahad ayaa lagu soo warramayaa inuu la socday diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday dalka Turkiga, kadib markii isagoo ku soo socday Muuqdisho lagu xannibay garoonka diyaaradaha Jabuuti, markii damaba dib isaga iyo rakaabakii saarnaa diyaaradda ay ku celisay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Fahad Yaasin ayaa xudun u noqday khilaafka madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii madaxweynaha u magacaabay la-taliyihiisa dhanka amniga ka dib markii Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha NISA.

Fahad Yaasin ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirkii guddiga amniga qaranka ee horrey madaxweynaha ugu dhawaaqay laakin uu dib u dhaca ku yimid.

Shirkaas ayaa Fahad Yaasin uu ku soo bandhiggi doonaa waxa uu ka ogyahay Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay'adda nabad sugidda oo muddo la la'aa markii dambana la sheegay in ay dileen Al-Shabaab walow ay iska beeniyeen dilkaas lagu eedeeyay Shabaabka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

 

Category