Golaha Guurtida Somaliland Oo Warbixino Ka Dhagaysatay Sadex Guddi Hoosaad

Hargaysa(RH):-Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa maanta warbixinno ka dhageystay guddoomiyayaasha guddi hoosaaddada golahaasi, kuwaasoo kulanno xog waraysi ah la soo yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta qaranka.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka siyaasadda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland sannadkii tegay ay samaysay sidii xidhiidh saaxiibtinimo loo la yeelan lahaa dalalka ay ka midka yihiin Taywaan, Jek Ribablik, Turkiga, Yukrayn iyo waddamo kale oo caalamka ah. Iyadoo safarradaasi ay wasaaradda arrimaha dibaddu ay gashey qaranka ay uga soo hoydeen guulo wax ku ool ah oo la taaban karo.

Geesta kale, guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dhaqaalaha mudane Axmed Nuur ayaa mudanayaasha uga warbixiyay kulanno xog waraysi ah oo ay guddidoodu lasoo qaateen mas’uuliyiinta wasaaradda ganacsiga iyo baanka dhexe, waxaana uu sheegay in labadaasi hay’adood ay wadaan dedaallo lagu horumarinayo dhaqaalaha waddanka. Isla markaana muddo dhaw laga filan karo isbaddal weyn oo muuqda.

Guddoomiyaha guddida shuruucda arrimaha garsoorka iyo xuquuql aadamaah golaha guurtida Somaliland mudane Maxamuud Xareed Rooble oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin mudanayaasha ka siiyay kulanno xog waraysi ah oo ay la yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka, wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo ciidanka asluubta, waxaana ay tilmaameen in hay’adahaasi ay qaranka ugu hawlan yihiin shaqooyin muhiim ah oo waxtar ballaadhan u leh bulshada Somaliland.

 

Category