
Nairobi (RH)-Warar laga helayo ilo siyaasadeed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay bilaabeyso olole culus oo ay ku maalgelinayso mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tilmaamay in malaayiin doollar la siinayo siyaasiin iyo madax goboleedyo ka soo horjeeda xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid si xeel dheer loogu abuurayo xaalad siyaasadeed oo kacsan, taasoo lagu beegsanayo sannadka ugu dambeeya ee dowladda, iyada oo lagu rabo in lagu wiiqo awoodda Villa Soomaaliya.
sanadkii 2018-kii, dowladda Soomaaliya ay qabatay $9.6 milyan oo ka timid Imaaraadka. Dowladda Farmaajo xiligaas ayaa sheegtay in lacagtaas loo waday in lagu burburiyo Dalka.
Tallaabada Imaaraadka ee hadda la soo warinayo waxay u muuqataa mid cusub oo culays ku ah dowladnimada Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo mucaarad gudaha ah oo leh xidhiidh dibadeed, si loo carqaladeeyo shaqada dowladda dhexe.
Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin, ayaa si kulul uga hadlay arrintaas isagoo sheegay in mucaaradnimada Soomaaliya aysan noqon karin mid kiraysan oo u adeega danaha shisheeye. Wuxuu yiri:
“Mucaaradku waa in taladooda ay noqotaa mid maxalli ah, aysan noqonin talo shisheeye gadaal ka riixayo. Maalmahan waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Imaaraadku uu xiriir la samaynayo qaar ka mid ah musharaxiinta si ay u wiiqaan dowladda Federaalka. Kuwaas oo ay horay u saaxiib ahaayeen, balse hadda u muuqda kuwo diyaar u ah inay faragelintaasi ka shaqeeyaan.”
Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay ficiladaas “mucaaradnimo kiro ah” oo ah “nacasnimo nacfi u leh shisheeyaha”.
W/Q: Cabdi Jaliil Cismaan