Mahad Salaad ayaa loo magacaabay taliyaha hey'adda NISA

Nairobi (RH)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in xildhibaan Mahad Salad loo magacaabay taliyaha hey'adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ay ansixiyeen magacaabista Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Salaad ayaa hadda ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, waxaana uu ka mid yahay ragga aadka ugu dhow madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna horrey uga mid ahaa mucaaradkii Farmaajo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category