Maxkamadda ciidamada oo sii deysay weriye ku xirnaa Muqdisho

Muqdisho (RH)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah sii daysay weriye Maxamad Cabdiwahaab Nuur (Abuja) oo muddo ku dhaw lix bilood ku xirnaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo saaka ku dhaawaqayay go'aanka gabagabada kiiska weriyaha loo haystay ayaa sheegay in aanu galin dambiga lagu soo oogay oo ahaa  inuu maleegay dil ka dhacay degmada Waaberi iyo inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa maxkamadda ka sheegay in la sii daayo weriyaha, lana soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilkaas oo loo geestay haweeney.

Ururada saxaafadda u dooda ayaa soo dhaweeyay sii deynta weriye Abuuja.

Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka Cadaaladda ah oo ay Maxkamadda Ciidamada gaartay,isla markaana ay aaminsan yihiin in Maxkamadda Ciidamada ay tahay mid dadka Soomaaliyed si cadaalad ah ugu adeegta,waxaana uu u mahad celiyay qareenadii u doodayay Wariyaha.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category