Mustafa Cagjar oo loo doortay madaxweynaha Gobolka Soomaalida

Jigjiga (RH)-Baarlamaanka gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta madaxweyne u doortay Mustafa Muxumed Cumar inuu xilka hayo muddada shanta sano ee soo socota.

Mustafa Muxumd Cumar ayaa sannidhii lasoo dhaafay sharci ahaan soo ahaa madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee xisbiga uu ka tirsan yahay ee Barwaaqo ayaa ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday degaanka Soomaalida.

Dhinaca kalena, isla baarlamaanka gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortray Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka gobolkaas.

Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu yahay gobolka ugu nabad-gelyada badan dalka Itoobiya xilligan.

Mustafa Cagjar oo loo doortay madaxweynaha Gobolka SoomaalidaMustafa Muxumed Cumar oo loo doortay madaxweynaha Gobolka Soomaalidabaarlamaanka gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortray Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka gobolkaasbaarlamaanka gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortray Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka gobolkaasMustafa Muxumed Cumar oo loo doortay madaxweynaha Gobolka SoomaalidaMustafa Muxumed Cumar oo loo doortay madaxweynaha Gobolka Soomaalida

Xiggasho: VOA

Category