
Addis Ababa (RH)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Cali Gaas, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaanta Koonfureed, iyadoo haatan la dhammeystirayo habraacyadii rasmiga ahaa ee magacaabistiisa.
Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, magacaabista Dr. Gaas ayaa ah mid dhowaan si rasmi ah loo shaacin doono, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada Midowga Afrika uu ku doonayo in uu door muuqda kaga qaato xal u helista colaadda muddada dheer ka taagnayd dalkaasi.
Soomaaliya oo xubin ka ah Urur Goboleedka IGAD, kaasoo door muhiim ah ka ciyaara dadaallada nabadeynta Geeska Afrika, ayaa kaalin firfircoon ku leh arrimaha South Sudan. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa kalsoonida la gelinayo doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo waaya-aragnimada shaqsiga loo xulanayo howlahaas.
Midowga Afrika horey uma lahayn Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, halka ay qaaradaha kale sida Galbeedka, Koonfurta iyo Bartamaha Afrika horey u lahaayeen ergo gaar ah.
Haddii la ansixiyo, Dr. Gaas wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xil noocaas ah ka qabta Midowga Afrika, taasoo sare u qaadaysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika.
Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi-Kenya