Norway oo dib ugu soo cilisay Hooyo Soomaaliyeed wiil ay dhashay oo ay ka qaadatay

Oslo (RH)-Wararka naga soo gaaraya dalka Norway, ayaa sheegaya in maxkamad ku taalla dalkaas ay ku guulaysatay dacwad ku saabsan hooyo Soomaaliyeed, oo wiil ay dhashay oo dowladda ka heestay muddo 10 sanno in dib loogu soo celiyay.

Weriye Zakariye Maxamuud Tima-Cadde oo ku nool Sweden, sheekadanna la socday ayaa noo sheegay in Maariya Cabdi Cabdikariin dib loogu soo celiyay wiilkeeda curadka oo laga qaatay 10 sanno ka hor.

Hooyadan ayaa markii wiilkeeda laga qaaday jirtay 16 sanno, waxaana wiilkeeda xilligaas uu jiray lix bilood.

Arrintan ayaa waxaa maalintii Talaadadii shaaciyay maxkamada xuquuqul insaanka Midowga Yurub.

Warbaahinta Norway, ayaa arrintan ku tilmaamtay xad-gudub lagu xad gudbay xaquuqda aadanaha.

Ma ahan hooyadii ugu horreysay oo Soomaali ah oo ilmaheeda laga qaato waddamada Yurub, waxaa inta badan loo tiriyaa arrimahan marka ay waalidiinta dayacaan carruurtooda ama hooyada iyo aabbaha ay kala tagaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category