Sawirro: Jigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamiga

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida, waxaa maalintii labaad ka socda carwada caalamiga ee buugaagta, waana sannadkii labaad oo la qabto bandhiggan.

Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida, Mustafe Muxamed Cagjar oo ka qeybgalay daahfurka bandhigga ayaa sheegay in maamulkiisa uu higsanayo siddii Jigjiga ay u noqon lahayd meel saldhig u ah afka iyo dhaqanka geeska Afrika.

Wuxuu sheegay marka uu dhammaado bandhiggan oo socon doona saddex cisho ay qaban doonaan tartan cayaaro ah oo ay ka qeybgalayaan kooxo kala socda geeska uuna ku xigi doono bandhig ganacsi oo caalami ah.

Agaasimaha bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga, Dr. Mubaarak Yuusuf ayaa saxaafadda u sheegay in bandhiggan ay uga goleeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta da'yarta, isagoo intaas hadalkiisa ku daray 

Prof Axmed Ismaacil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka lagu casuumay bandhigga ayaa sheegay in bandhigyada noocan oo kale ay muujinayaan waaya-aragnimada iyo aqoonta ummadaha, wuxuuna ku booriyay qaban qaabiyayaasha in ay joogteeyaan.

Bandhiggan oo waa markii kowaad ee lagu qabto magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida, waxaana ka qeybgalaya sannadkan qorayaal da'yer iyo aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid daafaha dunidda.

Jigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamiga


 

Jigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamigaJigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamigaJigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamigaJigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamigaJigjiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo bandhigga buugaagta caalamiga

Radio Hormuud

Studio 3

Jigjiga DDS

Category