Somaliland iyo Jabuuti Oo kala saxeexday heshiis ku saabsan isu-socodka labada Dal

Saylac(RH):-Shir lagaga Wada-hadlayay Arimaha Nabad-gelyada Xuduudaha Labada Dal ee Somaliland iyo Djabuuti Iyo Fudaydinta Isku Socodka Dadka ayaa ka Qabsoomay Magaalo Xuduudeeda Lawyacado.

Shirkaa oo uu Shir-Gudoominayay Badhasaabka Gobolka Salel Mudane mawliid Maxamed Nuur, oo ay Goob joog ka ahayeen Dhamaan Lamaha ay khusayso sida Wasaarada H/maaliyada iyo Ciidanka Socdaalka iyo Safiirka Dalka Djabuuti, ayaa la is Meel Dhigay Lacagaha laga Qaado Dadka iskaga Gudbaya Labada wadan iyadoo la is la Meeldhigay Qodobo Muhiima oo loo Qaaday Dhinaca Horumarka, Nabad-gelyada Diplomacy- ahaan iyo Dhaqaale Ahaanba waxayna kala yihiin.

 

1. In Dadka kasoo Galaya Xaga Djabuti ee Sita Dhamaan Aqoonsiyada Kala Duwan Ee Sharciga ah Ee Dalka Djabuti laga Qaado *$16*

2. In Dadka Ka baxaya Dalka Somaliland Aan Waxba laga Qaadin oo ay ku bixidoonanan Si Lacag La’aan ah

3. In Dadka Wata Dalku Ku Galka (passport) ama Aqoonsiga Dhalashada (ID card)-ka Somaliland laga Qaado *30,000sh* Marka uu Soo Galayo,

Ugu Dambayn Gudomiyaha Degmada Saylac Safiir-ka Somaliland U Fadhiya Djibouti Am! C/fataax Siciid Axmed Iyo Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane Mawliid Maxamed Nuur, ayaa kula Dardaarmay Lamaaha Ku Shaqadale in ay Howshaa u Gu’taan si Muwadinmo iyo Howlkarnimo ku Dheehantahay sidoo kale ku Amaanay Dhaqada Adag ee ay Qaranka u Hayaan.

 

Category