Somaliland oo farrin ku saabsan doorashada Soomaaliya u dirtay caalamka

Hargeysa (RH)-Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa beesha caalamka u sheegtay in aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada Soomaaliya.

Somaliland waxay digniin u dirtay siyaasiyiinta Soomaaliya ee caalamka ee u gudbinayo waxa ay ku tilmaantay marin habaabinta.

“Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaamaamulka iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisanee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland

Xiggasho: BBC

Category