Waa maxay sababta ay Canada ugu baahan tahay dad tiradoodu tahay milyan iyo bar soo galooti ah?

Dowladda Canada ayaa doonaysa in qaadato malaayiin muhaajiriin ah ka hor dhammaadka sanadka 2025, si shaqaalo ku filan ay ugu hesho shirkadaha iyo ganacsiyadeeda.  

Horraantii bishan dowladda Federaalka Canada ayaa shaacisay in sanadkiiba ay qaadan doonto nus milyan qof ilaa inta laga gaarayo 2025, taasoo ka dhigan in 1.5 milyan oo soo galooti ah ay dalkaa tegi doonaan saddexda sano ee soo socota.

Ra’yi ururin la sameeyay dhawaan ayaa muujinaysa in muwaadiniinta dalkaas aanay la dhacsaneyn qorshaha dowladda ee ku aaddan soo dhaweynta muhaajiriinta.

Sanadkii la soo dhaafay Canada ayaa sharcigeeda deganaanshaha siisay in ka badan 405,000 oo qof, tiradaas oo ah tii ugu badnayd abid ee dalkaas.

Sababta ay soo galootida badan ugu baahan tahay Canada ayaa ah in muwaadiniinta dalkaas ay u badan yihiin dad da’ ah, ayna ku yartahay dhalmada. Si loo kobciyo dhaqaalaha, waxa ay Canada u baahan tahay shaqaale ay dibedda ka keento.

Tirada soo galootida

Maanta, 25% muwaadiniinta Canada ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalal kale, waana tirada ugu sarreysa ee dalalka ka tirsan G7. Maraykanka oo ah dal loo hayaamay ayaa aad uga hooseeya, oo waxa ay dadkaas gaarayaan 14% dadweynaha ku nool dalkaas.

Geoffrey Cameron, oo culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda McMaster ee Canada, ayaa rumaysan in ka guulgaaridda siyaasadda soo galootida ay ku xiran tahay sida ay u taageeraan muwaadiniinta dalkaas.

Tusaale ahaan, muhaajiriintii ugu badnaa ayaa sanadkan Maraykanka ka galay xuduudda koonfureed, waxaana arrintaa ay dhalisay walaac ah in dadka soo galayo ay aad uga badan yihiin shaqooyinka diyaarka ah.

Ka hor inta aysan Britain ka bixin Midowga Yurub, muhaajiriinta dalkaa uga imanayay waddamada bariga Yurub ayaa abuuray naceyb ka dhan ah soo galootida.

Hase yeeshee Canada ayaa muddo dheer taageero u muujinaysay soo galootida.

"Waxay ila tahay in sababtu ay qeyb ahaan tahay in shacabka Canada ay aamineen in dowladooda ay si wanaagsan u maarayso hannaanka lagu soo galo dalka, isla markaana uu yahay mid u adeegaya danta dalka,” ayuu yiri Cameron.

Hase yeeshee taasi kama dhigna in aanay jirin dad ka walaacsan soo galootida.

Gobollada kala duwan ee Canada ayaa siyaabo kala gedisan u arkan muhaajiriinta.

Markii ay dowladdu shaacisay in sanadkii ay qaadan doonto nus milyan soo galooti ah, gobolka Quebec oo dejista siyaasadaha muhaajiriinta ayaa sheegay in aanu qaadin doonin wax ka badan 50,000 oo qof sanadkii. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in gobolkaas oo ay ku nool yihiin 23% dadka Canada uu qaadan doono 10% tirada muhaajiriinta ay doonayso dowladda.

Hogaamiyaha gobolkaas, Francois Legault, ayaa sheegay in muhaajiriinta cusub ay wiiqi doonaan luuqada Faransiiska ee halkaa looga hadlo.

Soo galootifa ay Canada doonayso ayaa ah kuwo khibradooda iyo xirfadaha ay leeyihiin uga faa’iideyn kara dhaqaalaha waddanka.

Dalalka Maraykanka iyo UK ayaa tilmaamay inay doonayaan hannaan la mid ah kan Canada oo ay ku soo jiidanayaan soo galootida wax ka tari kara dhaqaalahooda.

Marka laga soo tago soo galootida khibradda leh, Canada ayaa sidoo kale fursad siisa qaxootiga ka soo carara dhibaatooyinka ay kamidka tahay colaadda.

Sanadkii 2021, Canada ayaa aqbashay 20,428 qof oo qaxooti ah.

Sanadka soo socda ee 2023, Canada ayaa doonaysa inay qaadato 76,000 oo qaxooti ah.

 

xigasho BBC

Category